Wasaaradda Maaliyadda Puntland

  • Facebook
  • Google+
  • Phone
  • Twitter
  • YouTube
English site
  • Bogga hore
  • Wasaaradda
    • Ku saabsan Wasaaradda
    • Hillin iyo Himilo
    • Mabda’a Wasaaradda
    • Qaab-dhismeedka WM
    • Maamulka Wasaaradda
      • Xafiiska Wasiirka Maaliyadda
      • Wasiir ku-xigeenka
      • Agaasimaha Guud
    • Nagala soo xiriir
  • Miisaaniyadda
    • Keydka Miisaaniyadda
    • Xeerarka Miisaaniyadda
  • Dakhliga
    • Furdooyinka
    • Canshuuraha Berriga
    • Tiriffooyinka
  • Qaybaha Wasaaradda
  • Xisaabiyaha Guud DPL
  • Baahin
    • Warka
    • Khudbado
    • Daabacaado
    • Ogeysiisyo
    • Bandhigga Sawirada
    • Fiidiyow – Videos

W/Maaliyadda Puntland oo Bilowday Ololaha diiwaangelinta cashuur bixiyaasha dhexe iyo kuwa yaryar[Sawirro]

Jan 4, 2020 - Filed Under: Warka

GAROOWE – Maanta oo ay taariikhdu tahay 04.01.2020 ayaa Wasaaradda Maaliyadda bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha Dhexe iyo kuwo yaryar. kuwaas oo qiyaasteeda dhan tahay  3000 (seddex kun oo meheradood) canshuur bixiye oo ay dhamaantood ku yaalaan magaalada Garoowe.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay ololahaas wadaysa muddo dhan labo todobaad.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Agaasime kuxigeenka guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir  ayaa sheegay in ahmiyad u leedahay dhammaan ganacsatada in la diiwaangaliyo si ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Puntland.

Sidoo kale Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga ayaa xusay in wanaagsan loola dhaqmo ganacsatada,lana diiwangaliyo, sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ganacsatadu inay u fududeeyaan Wasaaradda Maaliyadda xogta diiwaangalinta oo mustaqbalka dhaw wax tar u noqon doonta ganacsatadda reer Puntland sidii ay u heli lahaayeen maalgelin ganacsi. 

Dhanka kale Agaasime waaxeedka Deeqaha dibadda Professor Nuuraani Xaaji Maxamed Axmed ayaa xusay muhiimada uu leeyahay ololahan ayaa sheegay;

…” Diiwaangelintaas waxa uu ahmiyad gaara ah u leeyahay ganacsatada oo ah in uu kaga qeybgalo dhammaan mashaariicda ka socota Puntland, shirkad kasta waxa loo ilaalinayaa magaca iyo hantidiisa gaaarka ah iyo dhammaan xuquuqaha uu ku leeyahay dowladda Puntland…”ayuu yiri

Sidoo kale Dawladda ayaa u nidaaminaysa Ganacsiyada dhexe iyo kuwo yar yar si kor loogu qaado adeegyadda loo qabto, ayadoo la hagaajin doono habka bixinta cashuuraha ku waajibay.

Ugu danbayntii Wasaaradda Maaliyadda ayaa ganacsiyadda waa wayn diiwangalin ku sameysay ,ayadoo lasoo dhamaytiray. waxaana la siin doonaa Numberka cashuur bixiyaha, sidoo kale waxaa loo sameeyay Xafiis gaar u ah(Large Tax payer office ) oo loo magacaabay shaqaale hufan oo karti leh una adeega ganacsiyadda waawayn.

Xafiiska Warfafinta & wacyigalinta

W/Maaliyadda DPL Garoowe

Xafiiska Wasiir ku-xigeenka

Eng. Omar Hassan Omar[Fiqi) Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland,

Toward Financial Stability

https://youtu.be/wmKKSKZg1aI

Financial Report 2019

Wasaaradda Maaliyadda

Warbixandii u danbeeyey

Wasiirka Maaliyadda Puntland Iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qardho[Sawirro]

Jan 10, 2020

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shir ka dhacay Qardho[Sawirro]

Jan 7, 2020

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland iyo xubno kale oo casho sharaf loogu sameeyay Qardho[Sawirro]

Jan 6, 2020

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wasiirka Amniga Puntland oo Booqday Xerada Ciidanka Xorgoble ee Qardho[Sawirro]

Jan 5, 2020

PFM Reform

WASAARADDA MAALIYADDA PUNTLAND

Minisry of Finance, Puntland State of Somalia

Privacy Policy | Terms & Conditions | Contact Us

Garowe, Puntland, Somalia
Tel. +252907 724437
mofpuntland@gmail.com | info@mofpuntland.com
Copyrights. All rights reserved