H.E. Faisal Abdullahi Warsame
Agaasimaha Guud Wasaaradda Maaliyadda
Masuuliyadda & Awoodaha shaqo ee Agaasimaha Guud
- Wuxuu fuliyaa Awaamiirta Wasiirka Maaliyadda, waana laf dhabarka maareynta iyo maamulka Wasaaradda
- Wuxuu isku xiraa Waaxyaha Wasaaradda iyo Wasiirka dhinaca Maareynta iyo Maamulka oo ay weheliyaan habsocodka shaqo iyo qiimeynta shaqaale
- Wuxuu masuul ka yahay Kharashka ku talagalka Miisaaniyadda ee Wasaaradda ee ku cad Dekreeto Wakiilashada Wasiirka (Decreto di dellega)
- Wuxuu ka turjumaa baahiyaha Kharashyada Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda
- Wuxuu timaan ka bixiyaa Xalinta baahida kharash iyo mudnaantooda
- Wuxuu wakiil uga yahay Wasiirka Hantida W/Maaliyadda (Property of MOF)
- Wuxuu uga warbixiyaa Wasiirka hanaanka wixii macluumaad ah ee habsocodka shaqo, shaqaale iyo qorshe fulineedka hananka dhaqaale ee Dalka
- Wuxuu guddomiye uga yahay guddiga anshaxa iyo dalacaadaha ee Wasaaradda
- Wuxuu u gudbiyaa dhamaan waaxyaha Wasaaradda wixii awaamiir ah ee Wasiirka ka soo baxa
- Wuxuu u gudbiyaa Wasiirka dhamaan wixii jawaab celin ah ee Waaxyaha ka soo baxa (Feed back communication)
- La socodka kaash cad ee bankiga iyo deymanka gudaha isagoo uga wakiil ah Wasiirka, iyo wixii balan qaadyo ah ee soo raaca (Commitments)
- Ka warbixinta hantida W/Maaliyadda ee cimrigooda shaqo dhamaaday iyo u diyaarinta xaraashkooda (Procurement of disposal government assets)
- Hubinta iyo isku dheeli tirka Kharashyada ka baxay Miisaaniyadda iyo ka bankiga oo ay soo racaan wixii kala wareejima ah ( Virement or shifting and incrementalization)
- Hubinta iyo warbixinta shaqaalaha shaqo goyntooda, shaqo ka fariisatka, fasax ku maqan, jiro ku maqan, deeq waxbarasho ku maqan iyo takhasuskooda (isku celcelis sanadkii)
- Ka warbixinta Tababarada waaxyaha looga baahan yahay si kor loogu soo qaado khibradooda shaqo shaqaalaha
- Wuxuu masuul ka yahay Kharashka ku talagalka Miisaaniyadda oo uu u wakiisho Wasiirku loona cusbooneysiiyo