Wasaaradda Maaliyadda waxay ka mid tahay 14-kii Wasaaradadood ee lagu aas-aasay Dawladda Puntland, waxaana lagu abuuray Dekreeto Madaxweyne Lr. 01/98 ee 06/08/98, abuuristaas oo laga tixraacayey qodobka 13-naad ee Axdi-Qarameedka Dawladda Puntland. Dal-walbaa Wasaaradda Maaliyaddu waa halbowlaha Dhaqaalaha ee dalkaas, waxayna u xilsaaran tahay arrimaha hoos ku qoran:
Waajibaadka Shaqo ee W/Maaliyadda “Kooban” (Summary Mandate)
- Sameynta Siyaaasadda Dhaqaalaha Dalka iyo kan cashuuraha
- Maareeynta iyo saadaalinta Dhaqaalaha Dalka
- Diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda
- Diyaarinta Xisaab-xirka sanadlaha ah ee Dawladda
- Diyaarinta iyo Qorshaynta Istaraatijiyadaha lagu hormarinayo Maaliyadda iyo Cashuuraha Dalka
- Ilaalinta iyo ku-dhaqanka Miisaaniyadda Dawladda
- Iibinta, Ilaalinta iyo diiwaangelinta Hantida Dawladda guurto iyo ma guurto
- Sameynta, wax ka bedelka iyo hormarinta Dakhliga iyo dhamaan Cashuuraha Dalka
- Beekhaaminta iyo Xakamaynta Kharashyada Dawladda
- La-shaqaynta Wasaradaha iyo Hayadaha Dawladda
- Abuurista ila cusub oo dhaqaale
- Kaydinta iyo bixinta Deymanka lagu leeyahay Dawladda
- Isu ururinta Xisaabaadka Guud ee Dawladda
- La-socodka Maalgashiga Dalka
- Maamulida iyo la socodka Deeqaha iyo Kaalmada Dibada
- Ka-qayb-qadashada iyo hormarinta Mashaariicda Dawladda iyo kuwa Caalamiga ah
- Hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka
- Ilaalinta, Kormeerka, la-socodka iyo u gudbinta oggolaashana dhamaan arrimaha Cashuuraha dalka